dhasheeg

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-gyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Biyakuhar; balli; laas.
  2. (juqr.) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

biyakuhar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. Balli.

Lamidka: Balli

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

balli

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (balli /-iyo, m.dh) Biyo fariisin dabiici ah, yara godan oo roobku biyeeyo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

laas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-sas, m.l/-syo, m.dh)

Macnaha:

  1. Ceel yar.
  2. (juqr.) Bed lamaddegaanka bartamahiisa ku yaal oo biyaha laga helo agtood bacrin ah.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur