1. Meesha dhexda ah ee laba maro la isaga tolo. 2. Labalaabka gacanka. 3. Dhidib. 4. ld dhexroorid.
(xis.) Fogaanta isaga gudubta shaxan sallax ah ama adke ah ee halka barta ugu ballaaran ee shaxanka. Dh.ka goobada waa xarriiqda toosan oo marta xuddunta goobada kuna dhammaata laba barood oo goobada ku yaalla.
(c.fal.) Xarriiq lagu mala awaalo in ay xiriiriso labada cirif oo marta bartamaha dhulka uu ku wareego.