dhuuxdheereQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounMacnaha:Dhuuxa dheer oo dhex mara lafdhabarta; xangulle.
xangulleQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounMacnaha:Cad maskax yaryarta ka mid ah oo birtaawaha lagu masaxo marka canjeerada lagu dubaayo. ld xandulle, xangullo.(c.nafl.) Qayb ka mid ah sooh maskaxeedka oo ku dhex jira togga xiriirka lafdhabarka oo ka kooban unug maska-xeedyo iyo dareenwadayaal xiriiriya massa-da iyo jirka inta kale, wuxu ka sameysanyahay lakab sooh cas oo ku wareegsanyahay lakab sooh cad.