diimid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg diin³. ld diimis.

diin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nan, m.l)

Macnaha:

  1. Nooc xamaaratada ka mid ah aad u gaabiya, leh qolof adag oo ku dahaaran afar lugood iyo qoor dheer oo aan dhogor lahayn; diindiin. ld diindiin.
  2. 1. Caqiido cid ku xiraysa awood ka sarraysa oo ay aaminsantahay in ay wax yeeli karto, waxna u tari karto. 2. Qawaaniin Eebbe u soo dejiyey dadka dunida ku nool si ay waxa wanaagsan u falaan, waxa xunna uga reebtoomaan. 3. Quraan.
  3. 1. Ku d.: qof wax la yaab leh oo aanu hore u arki jirin qaadan waayid. 2. Ku d.: wax araggooda waayid.

diimis

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld diimid.