diir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Kulayl, uumi.
  2. Dubka sare ee lafta geedka.
  3. ld diirdiir².
  4. ld digir².
  5. 1. Wax in yar kululaansho. 2. Qof, in yar xanaaqid.
  6. 1. Geed diir ka qaadid. 2. Wax qaawin.

diirdiir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
  2. Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iwm. ld diir².

digir

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dabar. 2. Midab madow oo ilkuhu yeeshaan.
  2. Nooc dalagga ka mid ah, dhala miro u eg qaabka kellida, leh midabbo iyo jaadad kala geddisan. ld diir².