dundun

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld diddin¹.
  2. Mawduuc, arrin, baab.
  3. ld duddun.
  4. ld diddin².

diddin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. In yar oo hoore ah. ld dindin¹.
  2. In yar oo hoore ah si ayaar ah u daadasho. ld dindin².

duddun

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Taallo dhoob adag ka samaysan, godad leh oo nooc aboorka ka mid ahi candhuuftiisa ku dhiso. ld duddumo, dundumo, dundun³.