ekisrey

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (fiis.) Fallaaro elektaromagnee- tiyeed oo leh dherermowjadeed aad u gaaban (beyond the ultraviolet) kuwaaso leh awood weyn oo ay ku dhex galaan walaxda uusan ifku dhex mari karin. Fallaraha ekis waxay sameysmaan marka elektaroons tamar aad u sarreysa leh ay ku dhacaan maaddo. Waxa loo isticmaala cuduraqoonsi ee farsamada raadiyo- graafiga iyo noocyada qaarkood raajo ku daaweynta.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur