faaranhayt

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (fiis.) Qiyaasta heerkulka ee uu keenay fisigisyahan Jarmal ah oo la yiraahdo Gabriyeel Faaranahyt (1686 - 1736) waxaana looga isticmaalaa waddama Ingiriisiga ku hadla. Barta barafowga iyo tan karka ee biyuhu waxay kala yihiin 32 iyo 212 sida ay u kala horreeyaan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur