fagiiji

Qaabnax: Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2

Isrogrogga: (-iyay, -isay)

Macnaha:

  1. Ku f. indhaha: libiqsi la'aan indhaha wax ku eegid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ku

Qaabnax: mu.dhm.ly

Macnaha:

  1. Magacuyaal layeele oo tilmaama qofka labaad ee kelida ah, oo lala hadlayo.
  2. (kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya. Tus. “ Maanta ku aan isku fasal ahayn baan arkay”. ku³ h (nax.) Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo. Tus. “Biyaha weelka ayay ku jiraan”; b) qurub la xiriira wax ama qof uu fal taabanayo. Tus. “Kursigii ayuu ku fadhiyaa”, “Xarigga geedka ku xir!”; c) qurub la xiriira wax wax lagu qabsado. Tus. “Qalinka wax ku qor!”; d) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur