fangal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Faras la fuushanyahay oo fankiisa qof kale la fariisiyo. ld fangelid.
  2. Faras la fuushanyahay gadaal ka fuulid. ld fansaar³.

fangelid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg falgal². ld fangal¹.

fansaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Alaabo yar oo aan cuslayn oo gaadiidka dheegga laga saaro marka la raraayo. 2. ld fangelid.
  2. (xis.) Qaanuun xisaabeed ka dhexeeya laba urur (xaddi), kaas oo, kutirsane kasta oo ka mid ah ururka hore (horaad) uu ku aado kutrisane keliya oo ka mid ah ururka dambe (dambeed).
  3. ld fangal².