farqi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Kala duwanaanta laba wax ama ka badan leeyihiin. ld faraq.
  2. Wax faraq u yeelid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

faraq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-qyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Daliigo yaryar oo badan oo laamaha geeduhu yeeshaan; raamo. 2. Dun soohan ama wax u eg oo maryaha dacalkooda iyo alaabadii kaloo la qurxina hayo loo yeelo oo laga lullulo; bul; taarash.
  2. (xis.) Inta ay laba xaddi is-dheeryihiin ama jawaabta la helo marka laba xaddi ama tibaax la kala gooyo. ld farqi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur