feeragashi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Funaanad;garan ama shaati.
  2. Derin, raar iwm oo weyn oo aqal soomaaliga labada docood ama mid laga geliyo marka la dhisayo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

funaanad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Feeragashi aan gacmo lahayn oo shaati laga hoos qaato; garan. 2. Hu' jilicsan oo sida shaatiga u tolan oo kulaylaha la qaato. 3. Hu' culus oo kor laga qaato oo badi ahaan ka samaysan dhogor oo dhaxanta laga gashado.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur