findhicil
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- 1. Geed quwaax dhuux adag oo leh laamo gaagaaban, qodxo dhaadheer, caleemo yaryar iyo asal. 2. Cunto la cunayo wax yar oo kaga hara ilkaha dhexdooda. 3. (-illo, m.dh) Qori yar oo cuntada ilkaha dhexdooda ku harta looga saaro.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

