furfurid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg furfur². furfurista-garaafeed ee isle'eg m.dh (xis.) Hab lagu furfuro isle'egyo wadajira iyada oo la sawirayo garaafka isle'eg kasta. Furfurista labada isle'eg waxa ku siiya kulannada baraha is goyska, madaama barahani ay raali geliyaan qiimeyaal isku mid ah ee x iyo y.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

furfur

Qaabnax: Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate

Macnaha:

  1. F. ah: soor gallay oo maraq lagu kariyay oo aan budo lagu darin si ayna isku dhegin.
  2. 1. Wax xubnihii uu ka koobnaa kala bixbixin. 2. Arrin xalkeeda fududayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur