gaalis-furan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-syo ..., m.dh)

Macnaha:

  1. (xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

g

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur