gaalis-xidhan
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-syo ..., m.dh)
Macnaha:
- (xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

