gobo'

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Shay ka samaysan qori ama maqaar oo gammuunada lagu rito; gabooyo; qulux; qonox. 2. Dhibi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gabooyo

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld gabooye.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhibi

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Madowga maraqsaarka awrta qooqan ka muuqda kana samaysma kaadi uu isku sayray. ld dhebi².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur