guntin-dareen
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-no ..., m.dh)
Macnaha:
- (c.nafl.) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.

