haldhac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Eray ama hadal aan la doonayn in la sheego oo si aan loo qasdiyin u soo dhacay. 2. Deelqaaf; gaf. 3. (u) Miro bislaaday oo soo daatay.

deelqaaf

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Ka leexashada qaafiyad maanso ku socotay laga leexdo. 2. D. ah: Hadal meesha laga sheegayo aan ku habboonayn ama gef ah. 3. Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid.
  2. Ku d.: hadal meel ka dhac ah, aan daw lahayn qof ku dhihid.

gaf

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-faf, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Khalad. 2. Meelkadhac. ld gef.
  2. 1. (f.g) Khalad samayn. 2. (f.g) Haleeli waayid. 3. (f.mg) U g.: cid meelkadhac ku samayn.