hoodaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. H. ah: qof karti badan; diric; rag. 2. H. ah: qof nasiib badan. 3. (e.d) H.!: waa tahay!. ld hooddaar.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

diric

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh. 2. Canbuur khafiif ah, si holofholof ah u tolan oo haweenku qaataan.
  2. 1. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo dusheeda timirta lagu waro si ay suubaan u noqoto. 2. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan, oo marka aroos loo damaashaadayo, wiilka iyo gabadha arooska ah dusha laga saaro dadkuna hoos uga cayaaro.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

rag

Qaabnax: Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective

Macnaha:

  1. 1. Koox dad ah oo lab. 2. R. ah: qof karti iyo awood dheeraad ah leh.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

hooddaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld hoodaar.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur