huyuumas
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- (baay.) Maatar kiimiko ahaan burburay ama qayb ka mid ah burburtay kana mid noqday carrada, kaasoo asal ahaan ka yimid dhir ama xayawaan. Dhulka aan beernayn huyumasku waxuu uga yimaadaa dhir hore oo si dabiici ah u quruntay; dhulka qodan ee la beeray huyumaska wuxuu ka helaa digada xoolaha lagu bacrimiyo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

