in-gudbiye

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-yayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. (kiim.) Walax astaanteeda gudbineed ay u dhexeysa tan gudbiye (bir) iyo tan ma-gudbiye (caag). Marka loo eego gudbiyeyaasha, caabbiga in-gudbiye waxa uu la sii yaraadaa korodhka heerkulka. In-gudbiyeyaasha waxa ka mid ah adkeyaasha wiriqlaha ah sida jeermaniyam iyo silikon.