itaal-danabeed

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dyo, m.dh)

Macnaha:

  1. (fiis.) Summad E. Itaalka badada danabka ee bar, waa xoogga saaran halkii saldanab togane ah oo yaalla bar ka mid badada danabka. Xoogga, F, ee ku abbaaran saldanabka, Q, waxa lagu helaa F = QE, markaas E = F/Q halbeegga itaalka danabku waa (N/C).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur