jifi

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dufan baruurta laga shiilo oo fariisata markay qabowdo; xayr; xuuki. 2. ld jufo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xayr

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Baruur ka baxda meelo gaar ah oo jirka nafleyda ka mid ah. 2. Xuub baruuri saaran tahay oo ku daboolan uurkujirta. 3. Jifi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

jufo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka. 2. Bir goobaaban oo bakooradaha salka laga geliyo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur