kaalandar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. (c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidib-dhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaa-landarka waxaa lagala kulmaa dhibaa-tooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Wax qabad; samays. 2. Ficil. 3. Sixir. 4. ld falid.
  2. (nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”.
  3. 1. Wax samayn. Tus. “Arrintan anigaa falay”. 2. Wax sixrid. 3. Beer qodid. Tus. “Beertii baan soo falay”. 4. Dhul bannayn. Tus. “Ciisaa dhabbe falay”. 5. Harag jilcin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur