kahortagga-cudurrada

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (daaw.) Qaybta dawada ee hawsheeda ugu weyn ay tahay ka hortagga cudurrada; waa qayb ballaaran oo shaqaaluhu ku hawlanyahay xalka mas'alado ka dhexeeya tallaalka liddiga ku ah cudurrada la isqaadsiiyo sida gawracatada, kixda iwm. Ilaa helitaanka habab lagu baabi'iyo qaadayaasha (gudbiyayaasha) cudurrada, sida kaneecada gudbisa deriskunoolka duumaada.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur