kalsaar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Haan weyn oo marka la rarayo horay la marinayo; horaad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

horaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ddo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Naasaha xoolaha labada horreeya oo xagga xudunta xiga midkood. 2. Naasaha dumarka.
  2. (xis.) Ururka dhammaan xubnaha hore ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh x kutirsaneyaal ee la dhigo dhidibka jiifa (dhidibka-x) ee garaaf.
  3. Haan ama dhoon loogu horreysiiyo rarka ratiga dhaanka ah. ld kalsaar.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur