karantiin
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- 1. Meel lagu takooro nafley cudur halis ah qabta. 2. K. ah: nafley cudur halis ah qabta oo meel lagu go'doomiyay. ld karantiil.
- (daaw.) Muddada qof ama neef xoolo ah lagu hayo meel duwan si looga hortago fidista cudur la isqaadsiiyo. Waagii hore muddada karantiinku wuxuu ahaa 40 beri, hadda cudurrada kala duwan waxay leeyihiin muddo karantiin oo kala duwan.

