kashiisho

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Badar la shiiday oo la karshey oo lagu cuno sanuunad ama caano; soor. ld gashiisho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

soor

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cayayaan duula, afar baal leh, duqsiga u eg wax yarna ka weyn, xoolaha dhiigga ka nuugga oo cudur ku reeba. 2. Buntuq afkiisa mindi ka taagan.
  2. 1. Galley ama meseggo shiidan oo la kariyo. 2. Gasiin; cunto.
  3. 1. Cid cunto iyo cabbid ku martiqaadid. 2. Wax si isla eg u qaybin. ld sooryee.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gashiisho

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Galley shiidan oo la kariyey; soor. ld geshiish.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur