kayn-badhaale

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-layaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. (juqr.) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.