khidmo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. (dii.) Soddonka jus ee quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo. 2. Hawl cid loo qabto; adeeg. 3. (-ooyin, m.l) Lacagta la siiyo qof hawl fudud qabtey. ld khidmad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

adeeg

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Hadal aan qornayn oo cid loo dhiibo si ay cid kale u gaarsiiso, farriin. 2. Shaqa hoosaad laga qabto guryaha iyo xafiisyada oo aan u baahnayn xirfad gaar ah. Tus. “Adeeggii buu diidey”. 3. Waxyaabaha daruuriga ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay.
  2. 1. Ka a.: xafiis, guri makhaayad iwm hawl hoosaad ka qabasho. 2. Ka soo a.: waxyaabo daruuri ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay soo iibin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

khidmad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld khidmo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur