kiloogaraam

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-mo, m.dh)

Macnaha:

  1. Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.

summad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Calaamad xoolaha lagu dhigo oo lagu kala sooco. 2. Lambarrada iyo xuruufta diiwaansan ee la siiyo warqadaha xafiisyadu isu diraan. ld sumad¹.
  2. Xoolo iwm calaamad lagu kala sooco u yeelid. ld sumad².

c

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.