laba-madaxle
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-layaal, m.l/dh)
Macnaha:
- (c.nafl.) Muruq laba madax leh. Laba madaxlaha cududda wuxuu ku yaal inta u dhexeysa isgooyska garabka ila isgooyska xusulka wuxuu laabaa cududda iyo dhudhunka wuxuuna xagga calaacasha u rogaa dhudhunka iyo gacanta laba madaxlaha shanshada wuxuu ku yaal xagga dambe ee bawdada wuxuuna qabtaa laabidda jilibka, fidinta bowdada iyo rogidda lugta xagga dibadda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

