liyuukoosayt
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-tyo, m.dh)
Macnaha:
- (c.nafl.) Unug aan midab lahayn oo bu'leh, lagana helo dhiigga iyo limfka. Unugyada cad cad ee dhiigga waxa sameeya gumudyada limf iyo dhuuxa lafta ee cas, waxayna awood u leeyihiin inay sameeyaan dhaqdhaqaaq amiibeed. Waxay soo saari karaan lid jidh-galayaal.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

