maanganiis
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-yo, m.dh)
Macnaha:
- (kiim.) Summad Mn. Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, una jira dabiici ahaan ogsaydh ahaan sida bayroolusayt (MnO). Waxaana loo adeegsadaa sameynta birdhafyada istiilka iyadoo laysku darayo bayroolusayt iyo xadiid laguna gubayo marraaq-danabeed.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

