macaammilo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dhaqan; falfal. 2. Xiriir wanaagsan oo dad badan dhex mara. ld macaamil, macaamilo, macaammil, macbil.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhaqan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Isu geynta nolosha maaddiga, ruuxiga, iyo bulsho ee ummadi leedahay, soona maray isbeddello taariikheed. 2. Asluub.
  2. (bul.) Mid ka kooban fikrado, caadooyin, fan, farshaxan ay sameeysteen ama ay wadaagaan mujtamaca gaar ah.
  3. 1. Nijaaso, wasakh iwm mayrmid. 2. Wax midab leh fasakhmid. 3. Haweeney gurigeeda si wanaagsan u maamulid. 4. Ku dh.: qalab, sharci iwm adeegsasho. 5. Ku dh.: guri iwm ku noolaan.
  4. 1. Dhar iwm wax la meyray ahaansho. 2. Nafley wax ladan ahaansho. 3. Ku dh.: wax meel ku nool ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

falfal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Hilib cad, ama cadad waaweyn oo biyo lagu kariyey. 2. Jid laangooyo lagu sameeyey. 3. Sixir.
  2. Dhaqdhaqaaqa hore karkaraya.
  3. 1. (f.g) Cid sixir ku samayn. 2. (f.mg) Hoore wax karkaray noqosho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

macaamil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld macaammilo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

macaamilo

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld macaammilo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

macaammil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld macaammilo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

macbil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld macbiil, macmiil. Cid si joogta ah meel wax uga gadata ama uga iibsata. 2. ld macaammilo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur