Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine
Macnaha:
- eeg malaasan¹.
Qaabnax: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1
Isrogrogga: (-smay, -santay; -smi)
Macnaha:
- 1. Wax la malaasay noqosho. 2. Ka m. wax xallintooda maaro loo waayey noqosho. Tus. “Cabdi arrintii way ka malaasantay”.
- 1. Wax la malaasay ahaansho. 2. Meel furnayd sida irrid, god, duleel iwm wax la xiray ahaansho. 3. Qof aan wax fahmin ahaansho. 4. Ka malaasan qof aan arrin xogteeda la socon ahaansho.