mardin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-nno/-imo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Daliig; liid. 2. Naqshado diillimo ah oo caw, ama caws ah oo ka dhex muuqda derin ama raar samaysan midkood.

daliig

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Jilcinta lagu sameeyo caw, maqaar iwm iyadoo qalab gaar ah la adeegsanayo. 2. Daaweynta muruq jirran iyadoo faraha la adeegsanayo. ld daliigid.
  2. 1. Cad dhuuban, dheer oo ka samaysan maro, caw, maqaar iwm. 2. Xarriiq dheer, dhuuban oo wax ku dul taal.
  3. 1. Caw, maqaar iwm qalab gaar ah oo looga tala galay ku jilcin. 2. Muruq jirran faraha ku daaweyn.

liid

Qaabnax: Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate

Macnaha:

  1. 1. L. ah: qof jilicsan oo tabar yar. 2. Nacas, doqon.
  2. Cid quursasho; yasid.