masiil

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dheecaanka geedaha. 2. Dharab.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dharab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhibco yaryar, biyo ah, ka dhasha qabowga habeenkii oo lagu arko cawska, dhirta iwm.; sayax; yaxni. 2. Rays aad u qoyan.
  2. (fiis.) Qoyaanka ku dul dhaca habeenkii dhulka dushiisa, amase waxyaalaha kale oo dhulka ku yaal ama dul saaran, sida cawska iyo caleemaha, waxaa qabooba oo dhibco noqda oo soo daata uumiga ku jira gibilka hoose ee dhulka korkiisa.
  3. 1. Dhiriqda lo'da. 2. ld dhereb.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur