meerkac-dabayleed

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (c.cimi.) Kolmo yar oo dabayleed oo degdeg ugu wareegaysa dhidib taagan ama wax yara janjeedha, oo dhexda ku leh meel cadaadiska jawigu hooseeyo. Marmarka qaarkood way dheertahay, lamadegaannadana waxay ka kicisaa siigo, ama, qiyaas yar; xanfaley.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xanfaley

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Sun ka dhalata biyaha ceelasha oo xoolaha aad u laysa. ld xanfal.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur