midxin
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-no, m.dh)
Macnaha:
- (baay.) Meel ballaaran oo ku taalla dheefmareenka oo samaysa kiish, kaas oo derbiyadiisa muruqyo adagi ku yaallaan. Shaqadiisu waxa weeye ridqidda cuntada. Waxaa laga helaa shimbiraha iyo lafdhabarla'da badankeeda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

