miiqid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg miiq². ld miiq¹ (2).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

miiq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-qyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Liilan dun ah. 2. ld miiqid.
  2. 1. (c.nafl.) Dhisme kala jaadjaad ah oo duno oo kale ah oo laga helo jidhka xayawaanka, sida miiqyada muruqyada, miiqyada dareenwadka, ama miiqyo kollayiin. 2. (baay.) Unug dhireed dheeraaday oo gidaaradiisa ay adkaysay xabag ku dahaadhani.
  3. 1. Suuf dun ka samayn. 2. Dun iwm caarad dhuuban u yeelid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur