mitir
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-rro, m.dh)
Macnaha:
- Cabbir dhererka lagu qiyaaso oo boqol sentimitir ama 1.093 yaardi ka dhigan.
- (fiis.) Summad m. Halbeegga caalamiga (H.C.), ee dhererka loona qeexo dherer le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna xafido waaxda keydinta cabbirka iyo miisaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

