mulli

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Biyo badan oo qof liqi karta; mool.
  2. Xabagta geedaha qaarkood ka baxda oo cusub.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

mool

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. Meel biyo fadhiyaan oo dhulkii aan la gaari karin ama aad u fogyahay; qusur.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur