murjaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Geed weyn, laf adag oo qoryihiisa kaneecada iwm laga shito. ld murjeen.
  2. 1. Dhagax-la-mood qaali ah, midabbo badan leh, ka samysma dheecaan adkaaday oo ay dhalaan bahallo yaryar oo badda ku jira, oo suuqiyadaha dumarku isku qurxiyaan laga sameeyo. 2. Wax kasta oo murjaanta laga sameeyo. ld marjaan.

murjeen

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld murjaan¹.

marjaan

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld murjaan².