nabdaado

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Salaan; bariido.
  2. Si cabsi ku jirto uga kicidda hurdada.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

salaan

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Ereyo laysu jeediyo ama gacanta oo si gaar ah laysugu taago marka laysu yimaad ama la kala tegayo, iyadoo laysu muujinayo kalgacal. 2. Bartanka wejiga fardaha, lo'da iwm.
  2. Cid salaan u jeedin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

bariido

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Casho baartay oo maalintii xigtay gaartay. 2. Salaanta kolka waagu beryo. 3. Hanti laga bixiyo gabar guur laga doonayo oo la siiyo soddohda. 4. ld bariidin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur