namuun

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Nooc. 2. Midab. ld namuunad, namuuno.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

nooc

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cac, m.l/-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Qayb wax ka mid ah oo leh tilmaamo u gaar ah; cayn; namuun.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

midab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bbo/-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Marka fallaaraha ilaysku ku dhacaan walax ee ay ka soo noqdaan, muunadda ay isha tusaan: sida casaan, cagaar iwm. 2. Nooc ka mid ah kalluunka oo yaryar, oo sharaxsharax leh.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

namuunad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld namuun.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

namuuno

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld namuun.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur