oodjiidid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg oodjiid².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

oodjiid

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada. 2. Xuja adag oo cid la hor dhigo. 3. Calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido.
  2. 1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur