qanjir-borosteyd

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (c.nafl.) Qanjir dheeraad ah oo raggu leeyahay oo u furan kaadi mareenka ka hooseeya kaadihaysta iyo dhuumaha shahwada meeshaay kaga darsamaan. Xilliga biyobixidda ragga wuxu qanjirku soo daaya biyo alkalayn ah oo ku darsama shahwada.