qaruurad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Qarsho; dhalo.

qarsho

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Weel quraarad ka samaysan oo wax lagu shubto; dhalo. 2. Maaddo adke ah, jebi og, aan midab lahayn, ilays mootiye ah oo ka sameysan ciid iyo soodhe la isku dhalaaliyey. ld qarshad.

dhalo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Wax kasta meesha u sarraysa; fiin. 2. Maaddo adke ah oo ka samaysan ciid, kaalsiyam, soodaiyo, botaasiyam oo jabi og oo mootiye ileys ah. 3. Weel quraarad ka samaysan oo biyaha, caanaha iwm lagu shubto.
  2. 1. Ilmo uur ku jira ifka (aaduunka) imaansho. 2. Soo bixid ama kawsasho (bil ama dayax); bilasho. 3. Wax aan horay u jirin, abuurmid. Tus. “Kacaan baa dhashay”. 4. Kubbad lagu ciyaarayo shabaq gelid.